Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Erdoğan oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Ankara

0
IMG_4114

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah maanta kula yeeshay magaalada Ankara Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, xarunta Madaxtooyada Turkiga. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, amni, iyo diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Intaa waxaa dheer, kulanka ayaa hordhac u ah dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu gogol-xaarayo wada-hadallo muhiim ah oo uu Madaxweyne Erdoğan garwadeen ka yahay, kuwaas oo dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Dadaalladan ayaa ujeedkoodu yahay xoojinta nabadda gobolka iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada nabadeynta iyo horumarinta, iyadoo la tixgelinayo danaha labada dal iyo guud ahaan geeska Afrika.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka mid yihiin Wasiirro, Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Madaxda labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale adkeeyey sida uu dalkiisa ugu taagan yahay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Turkiga uu sii wadi doono taageeradiisa dhinacyada horumarinta, amniga, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa astaan u ah xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo dadaalka ay labada dhinac ugu jiraan xasilloonida iyo horumarka gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale kulamo kale la yeesho madaxda ugu sarraysa Turkiga iyo mas’uuliyiin kale, isagoo sii amba-qaadaya dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *