Dagaal ka Qarxay Aagga Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose

0
IMG_4032

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka bilowday deegaanka Raaskambooni, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Dagaalkan, oo sida la xaqiijiyay ay ku lug leeyihiin labada dhinac oo muddooyinkii dambe isku diyaarinayay, ayaa la sheegay inay bilowgiisa weerar ku qaadeen ciidamada Jubbaland, kuwaas oo beegsaday deegaanka Manaraani oo qiyaastii 30 KM u jirta Raaskambooni. Deegaankaasi ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugnaayeen ciidamada lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo maxalli ah oo ku sugan aagga dagaalka ayaa xaqiijiyay in iska horimaadku yahay mid aad u culus, isla markaana uu sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo burbur soo gaaray gaadiid dagaal. Wararka qaar ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay heegan buuxa galeen, iyagoo weli gurmadyo dheeraad ah ku sii daabulaya furimaha dagaalka.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana weli socda dagaalka oo ku fidaya deegaano dhowr ah oo ka tirsan aagga Raaskambooni. Ilaa iyo haatan, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha labada dhinac ee ku aaddan dagaalkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Deegaanka Raaskambooni ayaa muhiim strateejiyadeed u leh gobolka Jubbada Hoose, taasoo ka dhigaysa isku dhacyada noocan ah kuwo marar badan soo noqnoqda.

Waxaa la filayaa in warar dheeraad ah ay kasoo kordhaan xaaladda, iyadoo weli laga cabsi qabo in dagaalka uu sii xoogeysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *